Horyaalka Premier League ayaa si rasmi ah u shaaciyey liiska xiddigaha u tartamaya abaalmarinta xiddiga ugu fiican ee bishii October. Abaalmarintan ayaa la siiyaa xiddiga bandhiggiisa ugu fiican soo bandhigay bil kasta, iyada oo la tixgelinayo goolasha uu dhaliyey, caawinta, iyo saamaynta guud ee uu ku yeesho kooxdiisa. Tartanka bishan ayaa ah mid aad u adag, maadaama ciyaartoy badan ay soo bandhigeen qaab ciyaareed sare oo taageerayaasha soo jiitay.
Waxaa xusid mudan in bishii October ay ahayd bil ay kooxaha Premier League si adag ugu dagaallameen boosaskooda kala sarreynta horyaalka. Waxaa jirtay tartan xooggan oo u dhexeeyay kooxaha ugu sarreeya iyo kuwa u dagaalamaya inay kor u kacaan, taas oo keentay in ciyaartoy badan ay soo bandhigeen xirfado iyo awood ay abaalmarintan ku hanan karaan.
Liiska xiddigaha ayaa waxaa ku jira magacyo la wada sugayey iyo kuwo cusub oo bishan wacdaro ka dhigay garoomada.
Cole Palmer (Chelsea)
Brian Mbimo (Brentford)
Jusko Gvardiol (Manchester City)
Facundo Buonanotti (Leicester City)
Chris Wood (Nottingham Forest)
Danny Welbeck (Brighton)
Bukayo Saka (Arsenal
Matz Sels (Nottingham Forest)
Codbixinta Taageerayaasha Iyo Doorashada Guusha
Taageerayaasha Premier League ayaa loo furay codbixinta si ay u doortaan xiddiga ay u arkaan inuu mudan yahay abaalmarinta bishan. Codadka taageerayaasha ayaa door muhiim ah ka ciyaara, waxaana lagu biiriyaa qiimeyn ay sameeyaan guddiga ciyaaraha horyaalka si loo soo saaro guuleystaha.
Waxaa la sugayaa in la arko cida ku guuleysan doonta abaalmarinta xiddiga ugu fiican bishii October, iyadoo taageerayaasha iyo falanqeeyayaasha ay isha ku hayaan natiijada kama dambaysta ah ee abaalmarintan.
0 Comments