Carlo Ancelotti, tababaraha Real Madrid, ayaa shaaca ka qaaday qorshaha uu ku damacsan yahay inuu kaga tago kooxdaas. Ancelotti ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu ka fariisto tababarnimada marka uu dhameeyo waayihiisa Real Madrid, taas oo ah kooxda ugu dambeysa ee uu hoggaaminayo.
Wararka ayaa sheegaya in Ancelotti uu diyaar u yahay inuu shaqada ka tago dhammaadka xilli ciyaareedka ama marka uu dhameysto qandaraaskiisa. Tababaraha reer Talyaani ayaa tan iyo markii uu kusoo laabtay kooxda sanadkii 2021, wuxuu ku guuleystay La Liga, Champions League, iyo koobab kale, taasoo ah guul ku dheehan waaya-aragnimo iyo hogaamin sare.
Tababaraha reer Talyaani ayaa si cad u sheegay in ujeedkiisu yahay inuu la guuleysto xilli-ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee Real Madrid
Waxaa jira warar xiriirinaya Ancelotti iyo xulka qaranka Brazil, balse wuxuu carabka ku adkeeyay in go’aankiisu yahay inuu ku dhammeeyo xirfadiisa tababare Real Madrid.
0 Comments